Xildhibaanada baarlamaanka oo maanta loo qeybinayo mooshin ka dhan ah heshiiskii Imaaradka ee Berbera

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay kulan ku leeyihiin xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Waxaa xildhibaanada maanta loo qeybin doonaa mooshin ka dhan ah heshiiskii Imaaraadka ee dekadda magaalada Berbera, iyadoo la filayo in 48 saacadood ay kusoo akhristaan mooshinkaasi.

Xildhibaan C/qaadir Sheekh Ismaaciil oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka ayaa sheegay in mooshinkaan uu yahay mid aad u muhiim ah, islamarkaana baarlamaanka uu go’aan ka gaari doono arrintaasi.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in mooshinkaan ay soo diyaariyeen xildhibaanno badan oo baarlamaanka ah, sidoo  kalena looga hadli doono heshiisyada kale ee Imaaraadku damacsan yahay.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maamulka Somaliland la saxiixatay heshiis saldhig militeri ay uga furanayaan magaalada Berbera, xilli dowladda dhexe ee dalka aanay arrintaasi waxbo kala socon.

error: Content is protected !!