XOG:- Ciidamada Itoobiya oo dhawaan ka baxaya deegaanno hor leh

Xog ay si hoose u heshay warbaahinta Bulshoweyn, ayaa sheegeysa in dhawaan ciidamada Itoobiya ay ka bixi doonaan deegaanno badan oo dalka ah, sidii ay uga baxeen oo kale degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Waxay xogtani sheegeysaa in maalmo gudahood ay ciidamada Itoobiya uga baxayaan degmooyin ka mid ah gobollada Baay iyo Bakool, waxaana ay ciidamadan u jiheysan doonaan dalkooda.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxay inoo xaqiijiyeen in ciidamadaan ay doonayaan in dalka oo dhan ay ka baxaan, sababo la xiriira ku xumeynta dowladda cusub ee Farmaajo.

Dowladda cusub ee Farmaajo ayaa damacsan qorshe lagu xakameynayo ciidamadan maadaama xilliga ay doonaan ay dalka iska soo galaan, xilliga ay doonaanna ay isaga baxaan.

Farmaajo oo siyaasad adag ayaa Itoobiya waxay dooneysaa iney ku xumeyso si uu u tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, una qaato awaamiirta dowladdaasi, sidii ay sameyn jireen madaxdii isaga ka horreysay.

error: Content is protected !!