Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo howlgallo ka wada gobolka Hiiraan

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay howlgallo ballaaran ka wadaan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkaan oo lagu sheegay mid ammaanka lagu sugaayo ayaa ciidamada waxay ku baarayaan dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Jalalaqsi.

Waxaa jira dhallinyaro badan oo howlgalkaan lagu soo qabtay, hase ahaatee illaa iyo hadda tiro ahaan inta ay la egyihiin lama sheegin.

Maamulka degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in saacadaha soo aadan ay saxaafadda uga warbixin doonaan howlgalladaan iyo sidoo kale tirada dadka lagu soo qabtay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa marar badan sidaan oo kale waxay howlgallo uga sameeyeen degmadaasi, waxayna kusoo qabteen dad shacab ah oo Al-shabaabnimo lagu tuhmay.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!