DEG DEG:- Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xilkii laga qaaday iyo mas’uul cusub oo la magacaabay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Xilka guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa waxaa loo magacaabay Thaabit Cabdi Maxamed, oo hore u ahaa safiir ku-xigeenka Soomaaliya ee dalka Mareykanka.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay jirtay hadal heyn ah in xilka laga qaadayo guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), waxaana maanta lagu dhawaaqay in si rasmi ah xilka looga xayuubiyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wada is-bedallo uu ku doonayo inuu dalka oo dhan wax kaga qabto, wuxuuna madaxweynaha wadaa qorsheyaal kale oo xilal lagu qaadayo.

Warbaahinta Bulshoweyn ayaa 4-tii bishaan baahisay xog ku saabsan in xilka laga qaadayo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), waxaana xogtaasi maanta ay noqotay mid dhabowday (HALKAAN KA AQRISO)

Wixii warkaaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allah.

error: Content is protected !!