DEG DEG:- Taliyaal cusub oo loo magacaabay booliiska, nabad sugidda iyo militeriga Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa taliyaal cusub u mgacaabay ciidamada NISA, booliiska iyo sidoo kale kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo ka qeyb-galay kulanka golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay magacyadda ragga cusub ee la magacaabay, waxaana xilalkii laga qaaday dhammaan saraakiishii kale ee hore xilalkaasi u haysay.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa loo magacaabay Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, halka Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed loo magacaabay Jeneraal C/laahi Cali Caanood.

Taliyaha ciidamada nabad sugidda waxaa loo magacaabay C/laahi Maxamed Sanbaloolshe, horeyna xilkaasi uga soo qabtay dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa loo magacaabay C/xakiin Daahir Saacid.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allah.

error: Content is protected !!