Faah faahin:- Askari ka tirsan ciidanka Puntland oo qof shacab ah ku dilay magaalada Garoowe

Waxaa faah faahin dheeraad laga helayaa askari ka tirsan ciidanka booliiska ee maamulka Puntland oo habeenkii xalay ahaa qof shacab ah ku dilay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Askarigaan ayaa qofkaasi ku dhuftay dhowr xabadood, wuxuuna ku dilay albaabka hore ee saldhigga ciidanka booliiska ee magaalada Garoowe.

Wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in askariga iyo ruuxa la dilay uu muran soo kala dhexgalay, sidaasina dilka uu ku yimid.

Saraakiisha ciidamada booliiska ee magaalada Garoowe ayaa sheegay in haatan ay gacanta ku hayaan askarigii wax dilay, islamarkaana cadaaladda la horgeyn doonno.

Waxaa maanta laga dareemayaa guud ahaan magaalada Garoowe jawi kacanaan ah, iyadoo ay saldhigga soo buuxsameen ehelada qofkii la dilay.

error: Content is protected !!