Guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari oo ku baaqay joojinta dagaallada sokeeye

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaallamay deegaanno ka mid ah gobollada dalka, in dagaalladaasi ay si shuruud la’aan ah ku joojiyaan.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in xilligaan aan la joogin waqtigii ay dagaallami lahaayeen bulshada Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in maanta la doonayo in laga wada qeyb-qaato horumarka iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Prof. Jawaari ayaa sheegay in beel walbo oo hub isku sidata laga doonayo inay ka shaqeeyaan nabad iyo xasilloonida umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan beelaha Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan inay joojiyaan dagaallada sokeeye, kana qeyb-qaataan xasillinta iyo nabadeynta dalka” Sidaas waxaa yiri Prof. Jawaari.

Dagaallo u abaabulan qaab beeleed ayaa maalmahaan dambe aad ugu soo batey deegaanno ka mid ah gobollada dalka, waxaana jirta dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaalladaasi.

error: Content is protected !!