Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku dhawaaqay in dalka la geliyay xaalad dagaal (SAWIRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta ku dhawaaqay inuu dalku galay xaalad dagaal, isagoona ku baaqay dagaal ka dhan ah Xarakada Al-shabaab.

“Waxaan maanta ku dhawaaqayaa in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, daagaalkana uusan noqon doonin mid hal dhinac ah, waxaan amar ku siinnay ciidamada qalabka sida inay heegan galaan oo ay ka qeyb qaataan nabadeynta dalka, dagaalkaan ma aha mid ciidamada oo kaliya ay qaadayaan, waa mid aan rabno in ay shacabka garab nagu siiyaan” Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo oo ku labisnaaa dharka ciidanka ayaa sidoo kale farriin u diray dhallinyarada Soomaaliyeed ee lagu khalday fikirka xagjirnimada ah, isaga oo u ballan qaaday in ay heli doonaan daryeel iyo soo dhaweyn haddii ay kasoo baxaan Al-shabaab.

“Waxaan rabaa inaan baaq cafis ah u diro dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay shabaabku marin habaabiyeen, dowladdu waxay kusoo dhaweyneeysaa gacmo furan, waxaan siineynaa waxbarasho ,waxaana u abuureynaa shaqooyin, ma dooneyno inaan layno dhallinyaradeenna, waxaan mar kale idinku baaqeynaa in aad kasoo tagtaan Al Shabaab sida ugu dakhsiyaha badan, waxaad haysatan muddo 60 cisho ah.” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Farmaajo

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda ay ku jirto seddax dagaal oo ka dhan ah argagixisada, musuq-maasuqa iyo saboolnimada, loona baahanyahay inay ka qeyb qaataan dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku ku geeriyooday qaraxii foosha xumaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna Alle uga baryay inuu bogsiiyo dadkii ay dhaawacyadu kasoo gaareen falkaas argagixisonimo.

“Sidoo kale, anigoo fursadaan ka faa’iideysanaya, waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen dadkii shacabka ahaa ee ay dhibaatada kasoo gaartay qaraxii shalay, ma sugi karno in maalin walbo dad shacabka horteenna lagu xasuuqo” Ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweyne Farmaajo.

error: Content is protected !!