Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo maanta kullan la qaatay wafdi ka socda USAID (SAWIRO)

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ku-xigeenka madaxa USAID Mr. Gregory Gottlieb, kuwaas oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Kulanka ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo ku-xigeenka madaxa USAID ayaa looga hadlay arrimo khuseeya abaaraha iyo mashaariicda horumarineed ee ay bixiso hay’addaasi.

“Booqashadaadu waa mid ka tarjumeysa sida USAID ay uga go’an tahay inay joogteyso taageerada ay u hayaan dowlada federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, weliba imaatinkaaga waqtigaan xasaasiga ah ee abaaraha ba’an ee heysta shacabka Soomaaliyeed” Ayuu yiri ku-xigeenka ra’iisul wasaaraha.

“Xukuumadayadu waxey siisay ahmiyad gaar ah siisay in shacabka Soomaaliyeed loo fidiyo gar-gaar dhan walba ah si dalka looga illaaliyo inay macluul ka dilaacdo, waxaana sameysnay wasaarada gar-gaarka iyo maareynta masiibooyinka, si ay kaalin hormuud uga qaadato isku-duwida iyo la shaqeynta dhammaan hay’adaha kala duwan ee dalka ka teegeera arrimaha gar-gaarka” Ayuu hadalkiisa raaciyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka.

Ku-xigeenka madaxa USAID Mr. Gregory Gottlieb oo goobta ka hadlay ayaa ku ammaanay sida dowladda federaalka ay uga go’antahay taageerada shacabkooda, ayna wasaarad gaar ah ugu sameeyeen gargaarka iyo musiibooyinka.

“USAID waa saaxiibka ugu dhow ee dowladda iyo shacabka, waxaana ballan qaadayaa inaan mar kasta la garab istaagno taakuladeena” Ayuu yiri Mr. Gottlieb oo hoosta ka xariiqay in dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay inay kordhiso mashaariicda horumarineed ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaana kuwa gargaarka, dhismaha hay’addaha nabadgalyada, iyo mashaariicda kale ee dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

error: Content is protected !!