Roob lagu diirsaday oo ka da’ay deegaano ka tirsan gobolka Baay

Roobka xilliga gu’ga ayaa ka da’ay deegaano badan oo kamid ah gobolka Baay, waxaana ku diirsaday dadka iyo duunyada.

Degmooyinka Bardaale iyo Buurhakaba oo kamid ah gobolka Baay iyo deegaano kale oo hoostaga degmooyinkaasi ayaa lasoo sheegayaa in 24-kii saac ee lasoo dhaafay uu ka da’ay roob xooggan.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in roobkaan uu biyo dhigay dhammaan warihii ku yaalla deegaanadaasi, sidoo kalena weli roobka uu yahay mid socda.

Roob aan badneyn ayaa sidoo kale da’ay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, wuxuuna roobkaan soo da’ay xilli dadku ay u baahnaayeen.

Gobolka Baay iyo gobollo kale oo dalka ah waxaa ka jirtay abaar aad u saameysay dadka iyo duunyada, meelaha qaarna biyo la’aan ayaa loo dhimanaayay.

error: Content is protected !!