Seddax musharax oo ku tartami doonna doorashada xilka madaxweynaha Galmudug (MAGACYADA)

Guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in shalay oo Arbaco aheyd ay ku ekeyd is diiwaan-gelinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ee maamulkaas.

Guddoomiyaha guddigaan xildhibaan Maxamed Xasan Geelle ayaa sheegay in hadda ay haayaan magacyada Seddax musharrax, islamarkaana aysan jiri doonin cid kale oo araaji laga qabto.

Wuxuu xildhibaanka sheegaybin 10-ka bishaan aysan dib uga dhici doonin doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug, islamarkaana ay dhameystiri doonaan howlaha kale ee jadwalka doorashada.

Magacayada musharixiinta:

  • Axmed Ducaale Xaaf
  • C/qaadir Shirwac
  • Axmed Shariif.

Waxaa jiray musharraxiin kale oo doonayay inay xilkaasi u tartamaan, hase ahaatee lama oga waxa ku kallifay inaysan is diiwaan-gelin.

10-ka bishaan April, sida qoarshaha yahay xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa dooran doonna madaxweynaha maamulkaasi.

error: Content is protected !!