Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka oo ku wajahan degmada Cadaado

Waxaa maanta oo Khamiis ah sida uu qorshaha yahay la filayaa in degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ay gaaraan xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Wafdigaan waxaa hoggaamin doonna wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ee xukuumadda Soomaaliya, waxaana ay Cadaado kula kulmi doonaan madaxda maamulka Galmudug.

Si hoose waxay warbaahinta Bulshoweyn u ogaatay in xubnahaan ay doonayaan in baaarlaamaanka Galmudug ay si gaar ah ugala hadlaan in 10-ka bishan dib looga dhigo doorashada madaxweynaha maamulkaasi.

Waxaa baarlamaanka Galmudug loo sheegi doonmaa in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka ay aad u jecel yihiin in waqti dheeraad ah lagu daro doorashada lana geeyo ugu yaraan 20-ka illaa 25-ka bishan.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allah

error: Content is protected !!