Madaxweyne Farmaajo oo xaflad raali gelin iyo mahad celin ah u sameeynaya taliyaasha uu xilalka ka qaaday

Waxaa maalinta berri lagu wadaa in madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo uu xaflad raali gelin iyo mahad celin ah uu xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ugu sameeyo taliyaashii uu maalintii shalay xilalka ka qaaday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in isagoo aan wargelin taliyaashaasi iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir uu si lama filaan ah xilalkii uga xayuubiyay.

Qaar ka mid ah taliyaasha xilalka laga qaaday ayaa ku jiray howlo adag, halka qaar kalena ayba ka naxeen xilalkii laga qaaday.

Xil ka qaadistaan lagu sameeyay taliyaashaasi ayaa ahayd mid aan lagala tashan golaha wasiirada ku shaqada leh.

Arrintaasi ayaa keentay in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya islamarkaana kasoo jeeda beelaha ay u dhasheen taliyaashii xilalka laga qaaday ay shirar kala duwan shalay illaa xalay ku yeeshaan magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadaasi ayaa waxay madaxweyne Farmaajo ku eedeeyeen inuu taliyaashaasi si gurracan ula dhaqmay.

error: Content is protected !!