Ciidamada maamulka Jubbaland oo gacanta ku dhigay qaraxyo lagu diyaarinayay Kismaayo

Ciidamada nabad sugidda ee maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay miinooyin lagu diyaarinayay guri ku  yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose iyo sidoo kale raggii diyaarinayay qaraxyadaasi.

Afhayeenka laamaha amniga ee maamulka Jubbaland Axmed Maxamuud Maxamed ayaa u sheegay warbaahinta in dadka deegaanka ay kusoo wargeliyeen raggaan oo maleegayay qaraxyo ka dhaca magaalada Kismaayo, ayna gacanta ku haayaan.

Wuxuu sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan, islamarkaana maxkamad lasoo taagi doono, lana marsiin doono waxa uuu sharciga ka qabo waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ciidamada raggaan waxay soo qabteen iyaga oo miinooyin diyaarinaya, waxay rabeen inay shacabka Kismaayo ku dhibaateeyaan, laakiinse Ilaah baa mahad leh, waan soo qabannay, cadaaladda ayaana la horkeeni doonaa” Sidaas waxaa yiri afhayeenka laamaha amniga ee maamulka Jubbaland Axmed Maxamuud Maxamed.

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa marar badan sidaan oo kale waxay u qabteen qaraxyo lagu diyaarinayey xaafado ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

error: Content is protected !!