DEG DEG:- Puntland oo xukun dil ah ku fulisay dhalinyaro lagu eedeeyay Shabaabnimo

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntland ayaa goordhaw dil toogasho ah ku fulisay 5 dhalinyaro ah oo lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab, islamarkaana ay hore u dileen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi.

Col. C/fitaax Xaaji Aadan oo ah guddoomiyaha maxkamadaasi ayaa sheegay in dhalinyaradaan lagu soo qabtay howlgal ka dhacay magaalada Boosaaso, horeyna dil loogu xukumay, maantana 5-tooda lagu fuliyay dilkaasi.

Wuxuu sheegay in sidoo kale dil ay ku fulin doonaan dhalinyarada kale ee ku jira xabsiyada Puntland ee iyaguna dilka ku xukuman.

Ehelada dhalinyarada maanta la toogtay ayaa sheegay in dambiga lagu soo eedeeyay aaney wax shaqo ah ku laheyn, islamarkaana lagu nabay.

Puntland xabsiyadeeda ayaa waxaa ka buuxa dhalinyaro badan oo kasoo jeeda Koonfurta dalka Soomaaliya, waxayna badankood yihiin kuwo ku eedeysan Al-shabaabnimo.

error: Content is protected !!