DEG DEG:- Wariye C/maalik Coldoon oo lagu xukumay muddo labo sano oo xabsi ah

Maxkamadda magaalada Hargeysa ayaa goordhow muddo labo sano oo xabsi ah ku xukuntay wariye C/maalik Muuse Coldoon oo ku eedeysnaa jabinta jiritaanka maamulka Somaliland iyo inuu taageeray madaxweyne Farmaajo xilli uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Xeer illaalinta maamulka Somaliland ee soo eedeysay wariye Coldoon ayaa sheegtay inuu meel uga dhacay qarannimada waxa ay ugu yeereen maamulka Somaliland, waxaana ugu dambeyn la riday xukunkaan xabsiga labada sano ah.

Wariye C/maalik Coldoon ayaa la sheegaya inuu racfaan ka qaadan karo xukunkaan, waxaana la sheegayaa inay macquul tahay inuu iibsan karo sida ay soo sheegayaan dad isaga ku dhow oo goobjoog ka ahaa maxkamadeynta.

Wariye Coldoon ayaa ah nin ay ku weyn tahay Soomaalinimada, waana wariye Samofale ah, waxaana uu caan ku ahaa u gargaaridda dadka aan hadli karin.

error: Content is protected !!