Doorashada madaxweynaha Galmudug oo dib uga dhacday waqtigii loogu tallo galay

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Kheyre Cabdi Faarax Juxa ayaa isla gartay in dib loo dhigo doorashadda madaxweynaha maamulka Galmudug oo lagu waday inay dhacdo 10-ka bishaan April.

Kulan habeenkii xalay ahaa ay magaalada Cadaado ku yeesheen xildhibaanada, wasiirka iyo guddiga doorashada Galmudug ayaa ugu dambeyntii la isku raacay in 30-ka bishaan April laga dhigo doorashada.

Sababaha dib u dhigista ayaa lagu sheegay arrimaha amniga oo la xoojinayo iyo dib u heshiisiin dhanka Ahlu-sunna ah si ay qeyb uga noqdaan maamulka Galmudug.

Waxaa jira xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug oo kasoo horjeeda arrinta ku aadan dib u dhigista doorashada, waloow aan la ogeyn go’aanka uu qaadan doonno baarlamaanka maamulkaasi.

Marar badan ayeey xilligeedii dib uga dhacday doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug, iyadoo ay jiraan musharixiin isku soo sharaxay xilka madaxweyne ee maamulkaasi.

error: Content is protected !!