Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa maanta magaalada Cadaado ku kala saxiixday heshiis ka kooban seddax qodob, kaasi oo ku aadan dib u dhigista doorashada madaxweynaha Galmudug.
Heshiiska waxaa ku xusan in 30-ka bishaan ay dhici doonto doorashada madaxweynaha Galmudug, sidoo kalena la furi doono wadahadallada Ahlu-sunna iyo Galmudug.
Waxaa heshiiskaan dhanka dowladda u saxiixay wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa, halka dhanka Galmudug u saxiixeen madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha baarlamaanka iyo guddoomiyaha guddiga doorashada ee maamulkaasi.
Qodobada heshiiska
- In dib loo dhigo doorashada madaxweynaha Galmudug ee horey loo qorsheeyey iney dhacdo 10-April-2017, lana qabto 30-April-2017, taas oo waafaqsan codsigii Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ee ahaa in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha Galmudug.
- Mudada u dhaxeysa 10-ka illaa 24-ka bishan April 2017 waxaa soconaya wada hadallada dib u heshiinta Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca iyo hirgelinta qodobada heshiiskaasi kasoo baxa.
- Mudada u dhaxeysa 25-ka illaa 30-ka bisha Afaraad ee 2017 waxaa la qaban qaabinayaa doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo dhaceysa 30-ka bishan.
Ahlu-sunna ayaa la doonayaa in qeyb weyn ay ka noqoto maamulka Galmudug, waxayna tani muujineysaa in dowladda Farmaajo ay qancineyso cid walbo oo wax tabeysa.