Ra’iisul wasaaraha oo wareegto kasoo saaray xilliyadda shaqada ee shaqaalaha dowladda (AKHRISO)

Wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wargeliyay dhammaan shaqaalaha dowladda xilliga ay shaqada soo gelayaan islamarkaana ka baxayaan.

Dhammaan shaqaalaha dowladda ayaa lagu wargeliyay in isbuucii ay shaqeeyaan 48 saacadood, iyadoo maalin waliba ay shaqada soo gelayaan 8-da subaxnimo ayna ka baxayaan 4:30 pm ee galabnimo.

Sidoo kale, waxaa shaqaalaha dowladda lagu wargeliyay in maalinta Khamiista oo kaliya ay shaqada ka baxayaan 1:30 pm duhurnimo, sida uu qabo xeerka shaqaalaha Lr. 11

Wareegtadaan ayaa ka dambeysay kadib markii dhawaantaan uu ra’iisul wasaare Kheyre kormeer ku tagey dhowr xarumo oo lagu ogaaday in shaqada dowladda lasoo galo kadib 10-ka subaxnimo, iyadoo shaqaale badan oo u qoran dowladda aysan aheyn kuwo si rasmi ah u shaqeeya.

Hoos ka aqriso wareegtada ra’iisul wasaare Kheyre

error: Content is protected !!