Burcad badeeda Soomaalida oo doon kale qafaashay

Burcad badeeda Soomaalida ayaa lagu soo waramayaa in biyaha dalka Yemen ay ka qafaasheen doon ganacsi ah, iyaga oo lasoo aaday dhanka xeebaha maamulka Puntland.

Saraakiisha ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa sheegay inay heleen macluumaadka doonidaan oo la qafaashay Sabtidii shalay aheyd.

Sidoo kale, waxay saraakiishaan sheegeen in doonidaan lala aaday dhanka degmada Eyl ee gobolka Nugaal, islamarkaana ay hadda ku raad joogaan.

Maamulka Puntland weli kama aanu hadal doonidaan ay soo qafaasheen kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Burcad badeeda Soomaalida ayaa luddooyinkaan dambe aad u xoojisay weerarada ay ku qaadayaan maraakiibta iyo doonyaha, waxayna sanadkaan 2017-ka ay fulliyeen ku dhawaad 5 weerar.

error: Content is protected !!