Faah faahin:- Wafdi uu horkacaayo madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta

Wafdi uu horkacaayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoona kusii jeeda dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Inkastoo dowladda federaalka Soomaaliya aysan hore si rasmi ah u shaacin safarka uu madaxweyne Farmaajo maanta ugu amba-baxay dalka Imaaraadka Carabta ayaa hadane waxaa la aaminsan yahay in booqashadiisu ay la xiriirto sidii uu madaxda dalkaasi ugala hadli lahaa arrimo la xiriira dhismaha saldhiga militeri ee magaalada Berbera.

Safarkaan ayaa noqonaya kii afaraad uu madaxweyne Farmaajo dalka dibadiisa uga amba-baxo tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 8-da bisha Febraayo ee sanadkaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hore safaro kala duwan hore ugu kala bixiyay dalalka Sucuudiga, Kenya iyo Urdun, wuxuuna safarkaan afaraad kusoo beegmaya xilli shirkadda DP World oo laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ay heshiisyo kala duwan islamarkaana aysan dowladda federaalka raali ka ahayn la saxiixatay maamul goboleedyadda ka jira dalka.

Dhinaca kale, xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa haatan waxaa horyaalla mooshin ka dhan ah heshiiska ay maamulka Somaliland la gashay shirkadda DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Heshiiskaasi ayaa ahaa mid ay dowladda Imaaraadka Carabta saldhig militeri uga dhisaneeyso magaalo xeebeedka Berbera ee maamulka Somaliland, taas oo ay dowladda federaalka Soomaaliya si weyn uga soo horjeesatay.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!