Maamulka Hirshabeele oo indhaha ka daawanaya beelo ku dagaalamaya Sh/dhexe

Maamul goboleedka Hirshabeele ayaa indhaha ka daawanaya shacabka Soomaaliyeed oo qaab beel ahaan isugu laynaya deegaano hoostaga degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Madaxweynaha maamulkaasi, Ku xigeenkiisa, wasiirada iyo maamulka Sh/dhexe illaa hadda waxbo kama aanay qaban dagaaladaan socda xitaa baaq nabadeed.

Mas’uuliyiinta ugu sarreeysa ee Hirshabeele waxay ku dalxiisayaan magaalada B/weyne, halka shacabka maatada ah lagu laynayo Sh/dhexe, dagaalkana weli yahay mid si hoose u socda.

Tuulada Jameeca Misre gabi ahaanteedba waxay ku gubatay dagaalada u dhaxeeya beelaha walaalaha ah ee halkaasi ku sugan, mana jirto cid weli dadkaan kala dhexgashay.

In ka badan 5 ruux ayaa ku dhimatay dagaalada ka dhacay gobolka Sh/dhexe, welina waxaa laga baqayaa in dad kale ay dagaalamaan.

error: Content is protected !!