Madaxweyne Farmaajo Muxuu Ka Doonayaa Dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta uu aado dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta sida qorshaha yahay, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan uljeedka socdaalkiisan.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa casuumaad u fidisay madaxweynaha, wuxuuna marka hore halkaasi ku taggi doonnaa booqasho rasmi ah.

Xog aynu helnay ayaa waxay sheegeysaa in madaxweyne Farmaajo uu kala hadli doonno Imaaraadka Carabta arrinta ku aadan heshiisyada sharci darrada ah ee ay la galaan maamul goboleedyada dalka Soomaaliya.

Waxa uu madaxweyne Farmaajo doonayaa in gabi ahaanba uu hor istaago heshiisyadaasi, islamarkaana aanu aqbalin waxa ay Imaaraadka ka waddo Somaliland iyo sidoo kale Puntland.

Arrinta ugu weyn uu madaxweyne Farmaajo hor istaagayo ayaa ah saldhigga magaalada Berbera ee Imaaraadka uu doonayo inuu halkaasi ka furto.

error: Content is protected !!