Qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka oo ka bad-baaday

Labo qarax ismiidaamin ah ayaa goor-dhow waxay ka dhaceen magaalada Muqdisho, kuwaasi oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyadaan ayaa ka dhacay inta u dhaxeeysa wasaaradda gaashaandhigga iyo kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, waxaana lala eegtay gaadiid uu la socday taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid.

Qof naftii hallige ah ayaa gaari ku dhuftay gaari kale oo Cabdi Bile ah oo halkaasi marayey, waxaana goobta ku dhimatay 5 askari, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10 kale.

Daqiiqado kadib waxaa isla goobta oo laga daabulaayo meydadka iyo dhaawacyada askartii halkaasi qaraxa lagula beegsaday soo galay gaari kale oo miineysan oo isla goobtaasi isku qarxiyay.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka waxay inoo xaqiijiyeen inuu nabad qabo taliye Cirfiid oo uu ka bad-baaday weerarkaasi.

Xaaladda halka uu qaraxa ka dhacay ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo badan oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid waxaa xilka taliyaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Khamiistii aynu kasoo gudubnay, kuna beegneyd 6-da April, 2017.

Qaraxyadaan ayaa imaanaya xilli madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!