Wasiir Yariisow oo isbedal deg-deg ah ku sameeyay wasaaradda warfaafinta

Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Injineer C/raxmaan Yariisow ayaa isbedal deg-deg ah ku samaayay wasaaradda warfaafinta, wuxuuna sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis.

Wasiir Yariisow ayaa shaqadii ka joojiyay agaasimahii wasaaraddaasi C/risaaq Bahlaawe iyo agaasimahii maamulka iyo miisaaniyadda, kadib musuq lagu soo eedeeyay.

Yariisow ayaa sidoo kale magacaabay agaasimayaasha cusub ee Tv-ga qaranka, Idaacadda Muqdisho iyo sidoo kale wakaaladda SONNA.

Agaasimaha Tv-ga dowladda waxaa loo magacaabay Liibaan Cabdi Cali, Agaasimaha Radio Muqdisho waxaa loo magacaabay C/fitaax Daahir Jeyte, agaasimaha SONNA waxaa loo magacaabay C/laahi Sheekh C/raxmaan Heybe, halka agaasimaha maamulka iyo qorsheynta loo magacaabay C/naasir Xasan Xuseen.

Xukuumadda Kheyre ayaa sheegtay iney la dagaallami doonto wax walbo oo musuq ah, isbedallo cusubna waa laga dareemayaa dhammaan wasaaradaha dowladda Soomaaliya.

error: Content is protected !!