XOG:- DF Soomaaliya oo qorshe u degtay degmooyinka ay faarujiyaan ciidamada Itoobiya

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qorshe aad u ballaaran waxay u degtay degmooyinka ay isaga baxaan ciidamada Itoobiya, kadib markii dhawaantaan ay ciidamadaasi isaga baxeen wargelin la’aan deegaano muhiim ah.

Xog ay heshay warbaahinta Bulshoweyn ayaa waxay sheegeysaa in haatan la diyaariyay ciidamo badan oo xoogga dalka ah, badi laga qaaday xeryo ku yaalla Muqdisho iyo Sh/hoose,  kuwaasi oo la geynayo meel walbo oo ay joogaan ciidamada Itoobiya.

Waxay ciidamadaan heestaan hub ku filan iyo saanad militeri, waxayna joogi doonaan meelaha ay isaga baxaan ciidamada Itoobiya.

Sidoo kale waxay ciidamadaan la dagaalami doonaan ciidamada Al-shabaab ee marwalba damca inay qabsadaan meelaha ay ciidamada Itoobiya ka baxaan.

Qorshahan cusub waxaa si gaar ah u keenay madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, dhawaan ayaana lagu dhaqaaqi doonaa.

error: Content is protected !!