XOG:- Sanbaloolshe oo qorshe u diyaariyay sugista amniga magaalada Muqdisho

Taliyaha ciidanka nabad sugidda ee NISA C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa diyaariyay qorshe aad u ballaaran oo uu ku doonayo inuu ku xaqiijiyo ammaanka guud ee magaalada Muqdisho.

Sanbaloolshe ayaa diyaarinaya ciidamo NISA ah oo tiro badan, kuwaasi oo la geynayo guud ahaan degmooyinka magaalada Muqdisho, si amniga guud wax looga qabto.

Ciidamadaan ayaa la shaqeyn doona sida la sheegay shacabka ku dhaqan degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana ay soo qaban doonaan cid walbo oo amni xumo lagu tuhmayo.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya lagu wargelin doono in NISA oo kaliya ay maaamuli doonto amniga Muqdisho, booliiskana ay ku ekaadaan saldhigyada.

Sanbaloolshe ayaa lagu yaqaanaa go’aanno adag, iyo sidoo kale hubsiimo la’aan la sheego inuu ku dhaqaaqo marka uu kiisas shacab la xaajoonayo.

error: Content is protected !!