Faah faahin:- Qarax gaari lagu soo xiray oo saakay ka dhacay degmada X/weyne ee Muqdisho

Qarax ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa lagu soo xiray ayaa saakay ka dhacay agagaarka Isbitaalka Martiini oo ku yaalla degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid lagu xiray gaari uu watay mid ka mid ah shaqaalaha wasaaradda waxbarashada ee dowladda federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabo C/qaadir Cismaan Faarax (Dr. Yare).

Dr. Yare ayaa la sheegayaa in qaraxaasi uu markii hore dhaawac culus kasoo gaaray qeybta hoose ee jirkiisa, balse markii dambe uu dhaawacaasi u geeriyooday.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka oo halkaasi baaritaano ka sameeyay.

Muddooyinkii ugu dambeysay waxaa magaalada Muqdisho kusoo batay qaraxyada lala beegsanaayo mas’uuliyiinta dowladda iyo goobaha ay isugu yimaadaan bulshada Soomaaliyeed.

error: Content is protected !!