Madaxweyne Farmaajo oo maanta kulan la yeeshay dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta (SAWIRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta Qasriga Baxr ee magaalada Abu Dhabi kulan kula yeeshay dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta ahna ku-xigeenka taliyaha ciidamada dalkaasi Sheekh Maxamed Bin Zayed.

Kulankaasi ayaa labada dhinac waxay uga hadleen xiriirka iyo xoojinta iskaashiga labada dal, iyo sidoo kale in Imaaraadka Carabta uu Soomaaliya sii ballaariyo mashaariiicda ee dib u dhiska iyo horumarinta isugu jira iyo deeqaha uu siiyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, kulankaasi ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Anwar Maxamed Qarqaash, ku-xigeenka xoghayaha guddiga sare ee amniga Imaaraadka Carabta, halka Soomaaliya ay goobjoog ahaayeen wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar, wasiiru dowlaha madaxtooyada C/qaadir Macalim iyo mas’uuliyiin kale.

Wakaalada wararka ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu dhaxal sugaha u bandhigay qorshaha dowladiisa ee la dagaalkanka argagixisadda iyo dib usoo celinta ammaanka iyo xasiloonidda dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda Imaaraadka Carabta uga mahad-celiyay taageeradda joogtada ah iyo kaalmada ay siiso Soomaaliya, iyadoo aan la iloobi karin ayuu yiri isbarbar-taagga Imaaraadka ee Soomaaliya xilliyada adag ee ay mareeyso. wuxuuna mahad aan la koobi karin u jeediyay madaxda dalka Imaaradka Carabta.

Dhinaca kale, dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta ayaa dhinaciisa caddeeyay in dowladda Imaaraadka Carabta ee uu hogaaminayo Sheekh Khaliija Bin Zayid Al-Nahyan ay sii wadi doonto taageeradda Soomaaliya iyo kaalmeynta dib u dhiska hay’adaha dowliga ah, si loo xoojiyo ammaanka iyo horumarinta Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijiyay in Imaaraadku sii xoojin doonto xiriirka taariikhiga ah ee kala dhaxeeya dalka Soomaaliya ayna taageereyso dadaalka madaxweyne Farmaajo ku doonayo soo celinta nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

error: Content is protected !!