Madaxweyne Farmaajo oo si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Abu Dhabi (SAWIRO)

Wafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa habeenkii xalay gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta,  halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Abu Dhabi kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa maanta oo Isniin ah kulan la qaadan doonno dhaxal-suggaha magaalada Abu Dhabi ahna taliye ku-xigeenka ciidamada qalabka sida ee dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan.

Waa safarkii afaraad uu madaxweyne Farmaajo dalka dibadiisa uga amba-baxo tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 8-da bisha Febraayo ee sanadkaan.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Farmaajo ayaa waxyaabaha ugu waaweyn uu kala hadli doonno madaxda dalkaasi ayaa waxaa ka mid ah heshiiskii shirkadda DP World ay dhawaan la kala gashay maamul goboleedyadda dalka ka jira ee Puntland iyo Somaliland, kaas oo ku saabsanaa dekedaha Boosaaso iyo Berbera.

error: Content is protected !!