Ra’iisul wasaare Kheyre oo kulan gaar ah la yeeshay maamulka cusub ee dekadda (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer howleed ku tagey dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, si uu ugu kuur galo hannaanka ay u shaqeeyso dekaddu, islamarkaana loo ilaaliyo dhaqaalaha laga aruuriyo dadka isticmaala dekadda, maadaama ay maamul cusub dekaddu yeelatay.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo kulan gaar ah la yeeshay maamulka dekadda ayaa ka xog-wareystay qaabka ay u shaqeeyso dekaddu, caqabadaha ka jira iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo tayeyn karo adeegyada ay dekaddu u hayso shacabka Soomaaliyeed, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara musuq-maasuq iyo ku takrifal hanti dadweyne.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ku booriyay madaxda iyo shaqaalaha ka howlgala dekadda inay ilaaliyaan mas’uuliyadda lagu aaminay maadaama ay dowladdu wado qorshe lagu wada xisaabtamayo, isagoona carabka ku adkeeyay inaan marnaba la aqbali doonin in shaqsi gaar ah uu ku takri falo dhaqaalaha dowladda.

Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kula dar-daarmay maamulka cusub ee dekadda inay derder geliyaan shaqooyinka muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u hayso dekaddu.

error: Content is protected !!