Saraakiil ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Qof isku soo xirey walxaha qarax ayaa galay xerada ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin warshaddii hore ee nacnaca degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Qofka ayaa isku dhex qarxiyay ciidamo badan oo meesha ku sugnaa, waxaana askarta dhimatay ku jirtay illaa 4 sarkaal oo xilal muhiim ah haayey, waxaana sidoo kale la sheegayaa in saraakiil kale ay ku dhaawacmeen.

Weli taliska ciidanka xoogga dalka wax faah faahin ah kama aanu bixin qaraxaan ismiidaaminta ah iyo sidoo kale magacyada saraakiisha dhimatay.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan ismiidaaminta ah, waxaana ay tilmaameen iney ugaarsadeen rag xilal muhiim ah hayey.

Al-shabaab ayaa xoojisay weerarada ka dhanka ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxayna shalay qaraxyo ismiidaamin ah ku weerareen ciidanka xoogga dalka.

Warkaan oo faah faahsan dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!