XOG:- Gaadiid xambaarsan qaraxyo oo magaalada Muqdisho soo galay

Xog hoose oo ay heshay warbaahinta Bulshoweyn ayaa waxay sheegeysaa in gaadiid sida qaraxyo ay gudaha usoo galeen magaalada Muqdisho.

Gaadiidkaan ayaa ah seddax, mid kamid ah waa nooca dadweynaha ee loo yaqaano Homey, sidaan kasoo xigannay saraakiil NISA ah.

Sidoo kale, gaadiidkaan ayaa waxaa loogu talo-galay sida naloo sheegay in lagu weeraro xarumo ay ku sugan yihiin dad shacab ah iyo sidoo kale xarumaha dowladda Soomaaliya.

Waxaa haatan socda baaritaanka gaadiidkaan, wallow aan si rasmi ah loo ogeyn halka ay yaallaan gaadiidkaan, balse waxaa la xaqiijiyey in magaalada ay ku jiraan.

Xarakada Al-shabaab ayaa sanadkaan xoojisay qaraxyada iyo sidoo kale dilalka qorsheysan ee ay ka fulliyaan magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!