Booliiska oo wada-shaqeyn dhab ah ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa wada shaqeyn dhab ah ka dalbaday guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, si loo helo amni iyo kala dambeyn dalka ka hirgala.

Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaiyeed Jeneraal C/xakiim Daahir Saacid ayaa sheegay in shacabka la’aaantiisa aanu jiri doonin shaqo wanaagsan oo ay ciidamada qabtaan.

Wuxuu taliyaha tilmaamay in haddii ciidan walbo iyo qalab walba oo casri ah la keeno aanu imaan karin amni illaa ay wada shaqeyn buuxda ka helaan shacabka Soomaaliyeed.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa inay la shaqeeyaan ciidamada booliiska, sababta aan sidaas u leeyahay waxay tahay shacabka la’aantiis waxbo ma qabsoomi karo, shacabka yeesan dhowran midka qaraxa abaabulaya, kan is qarxinaya iyo kan iyaga ku dhex dhuumanaya” Sidaas waxaa yiri taliye C/xakiim Saacid.

Ciidamada booliiska Soomaaliyeed ayaan wada-shaqeyn la laheyn shacabka, waana midda keenta in badi magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka ay ka dhacaan falal amniga ka dhan ah.

error: Content is protected !!