DEG DEG:- Dagaal haatan ka socda deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Hoose

Wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu haatan ka soconayo dagaal aad u xooggan oo u dhaxeeya dagaalyahanadda Al-shabaab iyo ciidanka AMISOM.

Dagaalka ayaa bilawday kadib markii dagaalyanahadda Al-shabaab ay duulaan kusoo qaadeen fariisin ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin duuleedka degmada Qoryooley, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Labo ruux oo dhinacyada dagaallamaya ah ayaa naloo xaqiijiyey in dagaalkaasi ay ku dhinteen, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Dagaalka ayaa waxaa dhinac socda madaafiic ku dhaceeysa xaafado ka tirsan degmada Qoryooley, sida ay inoo sheegeen dad ku dhow halkaasi.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allah

error: Content is protected !!