Diyaarado dagaal oo duqeeyey saldhig Al-shabaab ku lahaayeen gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in xalay saq dhexe iyo aroornimadii saakay ay duqeyn culus fuliyeen diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya.

Diyaaradahan ayaa bartilmaameed ka dhiganaayey saldhig ay ciidamada Al-shabaab ku lahaayeen deegaan 50-km u jira magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhowr saldhig ay burburiyeen diyaaradaha.

Saraakiil u hadashay ciidanka cirka ee Kenya, waxay sheegeen iney dileen dagaalyahanno badan oo Al-shabaab ah, islamarkaana ay ku jiraan saraakiil sare.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allah

error: Content is protected !!