Galmudug oo awood ku furatay doonyo ay qafaasheen burcad badeed iyo ajaaniib la la’yahay

Ciidamada badda ee maamulka Galmudug ayaa awood kusoo furtay labo doon oo dhawaan kooxaha burcad badeedda ku qafaasheen xeebaha gobolka Mudug.

Wararka waxay sheegayaan in ciidamadaan ay weerareen deegaan ku dhaw degmada Hobyo, waxaana ay qabteen labo doon oo midi ganacsi ahayd, halka midda kalena ay kalluumeysi ahayd.

Sidoo kale, ciidamada Galmudug ayaa ku guuleystay iney gacanta ku dhigaan qaar kamid ah shaqaalihii la socday dooyahaasi iyo sidoo kale burcad badeedda.

Waxay saraakiisha ciidankaan u sheegeen warbaahinta inay jiraan ajaaniib ay la dageen burcad badeedda kuwaasi oo  la baadi-goobayo, islamarkaana lagu raad joogo halka lala aaday.

Doonyahan ayaa bishaan gudaheeda lagu qafaashay xeebaha Galmudug, iyadoo ay qeyb ka ahaayeen doonyo iyo maraakiib ay sanadkaan qafaasheen burcad badeedda.

error: Content is protected !!