Madaxweyne Farmaajo oo soo gaba-gabeeyay socdaalkii uu ku joogay Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa haatan soo gaba-gabeeyay socdaalkiisii uu ku joogay dalka Imaaraadka Carabta, waxaana war ay soo saartay madaxtooyada Soomaaliya lagu sheegay in labada dhinac ay isla garteen iskaashi iyo inay lama taabtaan tahay midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya.

Illaa iyo haatan ma jirto go’aan rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca kale ee dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana warkaan ka horeeyay qoraal uu soo qoray wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo uu ku sheegay in arrimo dhowr ah la isku af-gartay.

Hadaba hoos ka aqriso war-saxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyadda

Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa isku afgartay iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, la dagaallanka arga-gixisada, burcad badeedda, kobcinta dhaqaalaha, arrimo la xiriira ganacsiga, socdaalka iyo in Imaaraadku uu gacan ka geysto in Soomaaliya laga saamaxo deymaha lagu leeyahay.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, oo maanta soo geba-gebeeyay booqasho labo maalmood ah oo uu ku joogay dalka Imaaraadka Carabta ayaa intii uu joogay Abu Dhabi wuxuu wada-hadallo la yeeshay dhaxal sugaha Imaaradda Abu Dhabi, ahna ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan.

Sheekh Maxamed Bin Zayed, wuxuu madaxweynaha ugu hambalyeeyay doorashada uu dhawaan ku guuleystay iyo taageerada ay siiyeen shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inuu labo laabi doonno taageeradda ay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabtu siiso dowladda Soomaaliyeed si ay uga guuleysato kooxaha nabad-diidka ah oo uu ku tilmaamay inay doonayaan in ay afduubaan diinta Islaamka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo wuxuu ka mahad-celiyay soo dhaweynta diirran iyo taageerada joogtada ah ee ay dowladda Isutagga Imaaradka Carabtu la garab taagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed.

Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabtu waxay isla qireen inay madax bannaanida iyo midnimada Soomaaliya tahay muqaddas oo muhiim u ah amniga iyo iskaashiga labada dhinac.

Wafdiga uu madaxweynuhu hoggaaminayay waxaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Danjire Yuusuf Garaad Cumar, wasiiru dowlaha madaxtooyada Mudane C/qaadir Macallin Nuur iyo mas’uuliyiin kale.

error: Content is protected !!