Ra’iisul wasaare Kheyre oo kormeer deg-deg ah ku sameeyay qaar kamid ah xarumaha wasaaradaha (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer shaqo ah ku tagey xarunta wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, halkaas oo sidoo kale ay dagan yihiin wasaaradaha caafimaadka iyo qorshaynta, wuxuuna u kuur galayay qaab howleedka shaqo ee wasaaradahaasi ka socda.

Ra’iisul wasaare Xasan Kheyre ayaa mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee wasaaradaha oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha iyo maamulka, is xog wareysi kadib waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha wasaaradaha inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabkooda, isla markaana ay uga soo baxaan si hagrasho la’aan ah.

Ugu dambeyn, Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guud ahaan shaqaalaha u sheegay inay markasta xasuusnadaan inay hayaan shaqo qaran oo muhiimad gaara u leh dowladda iyo shacabkeeda, isla mar ahaantana ay iska saaraan mas’uuliyad gaar ah.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

error: Content is protected !!