Shacabka magaalada Baydhabo oo looga digay qaraxyo ku wajahan magaaladaasi

Taliska ciidamada booliiska Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shacabka magaalada Baydhabo uga digay qaraxyo xooggan oo la sheegay in Al-shabaab ka fullin rabaan gudaha magaaladaasi.

Taliyaha ciidamada booliiska maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Korneel Mahad C/raxmaan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Al-shabaab ay diyaariyeen gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayna doonayaan in gudaha magaalada ku qarxiyaan.

Wuxuu taliyaha sheegay in guud ahaan shacabka Baydhabo laga doonayo inay ka feejignaadaan meelaha la isugu yimaado oo uu sheegay in bartilmaameedka yahay.

“Nimankii nabad diidka ahaa waxay soo diyaariyeen gaadiid lagu qarxin rabo meelaha shacabka ku badan yahay sida suuqayada, maqaayadaha iyo meel walbo oo saxmad shacab ay ka jirto, sidaasi darteed shacabka waxaan leenahay ka feejignada” Ayuu yiri taliyaha.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in gaddiidka yar yar iyo sidoo kale bajaajta aan la aqbali doonin in la dhigo dhammaan hareeraha waddooyinka magaalada Baydhabo.

error: Content is protected !!