Shaqsi ka tirsan Ahlu-sunna Waljameeca oo loo wado inuu noqdo madaxweynaha Galmudug

Warar ay si hoose ku heshay warbaahinta Bulshoweyn ayaa waxay sheegayaan in shaqsi ka tirsan maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobolada dhexe loo wado inuu noqdo madaxweynaha maamulka Galmudug.

Doorashada 30-ka bishaan ka dhici doonta degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa isku soo taagi doonno shaqsiyaad la sheegay inay Ahlu-sunna yihiin, balse weli magacyadooda lama sheegin.

Waxay Ahlu-sunna dooneysaa in markaan ay iyada maamusho Galmudug, waxaana dadkaan isa soo sharaxay ku jira xubno ka tirsan beesha Sacad, si awood qeybsiga loo muujiyo.

Dowladda dhexe ayaa waddo dedaal lagu mideynayo Galmudug, meeshana looga saarayo maamulka gobolada dhexe.

Doorashadii dhici laheyd 10-kii bishaan, waxaa loo baajiyay oo kaliya heshiiska laga dhex wado Ahlu-sunna iyo Galmudug.

Madaxda Galmudug waxay ku qanceen in Ahlu-sunna la keeno, waxayna qaateen dhammaan talooyinkii ay soo jeedisay dowladda federaalka ee Soomaaliya.

error: Content is protected !!