Shariif Xasan oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Xaarakada Al-shabaab ee ku sugan gobolada Baay iyo Bakool.

Shariifka ayaa sheegay in la gaaray waqtigii Al-shabaab laga sifeyn lahaa goboladaasi, wuxuuna sheegay in xilligaan la joogo waqtigii ay shacabka Koonfur Galbeed ku naaloon lahaayeen nabad iyo  kala dambeyn.

Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayuu ku amray inay qaadaan tallaabo walbo oo ay kula dagaallamayaan Al-shabaab, sidoo kalena ay furaan dhammaan waddooyinka ay maleeshiyadaasi xiratay.

“Al-shabaab waxay dhibaateeyeen shacabka ku dhaqan Baay iyo Bakool, waxaan ugu baaqayaa guud ahaan ciidamada Koonfur Galbeed iney la dagaalamaan nabad diidka oo ay furaan waddooyinka xiran” Sidaas waxaa yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Al-shabaab waxay go’doomiyeen deegaanno badan oo kamid ah gobolada Baay iyo Bakool, xilli ay jirto abaar baahsan.

error: Content is protected !!