XOG:- Seefta madaxweyne Farmaajo oo markaan kusoo wajahan garsoorka dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo dhawaan xilalkii ka qaaday taliyaasha ciidamada qalabka sida ayaa markaan waxa uu ku wajahan yahay dhanka garsoorka dalka.

Xog ay heshay warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegeysa in madaxweyne Farmaajo uu markaan xilka ka qaadayo guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, guddoomiyeyaasha maxkamadda racfaanka, midda gobolka Banaadir iyo xubno kale oo muhiim ah.

Waxaa lagu bedali doonaaa rag sharciga aad ugu dheereeraya, kuwaasi oo la doonayo in shacabka ay si nidaam ah ugu adeegaan.

Sidoo kale xogtu waxay sheegeysaa in maxkamadda ciidamada qalabka sida ay tani saameyn doonto oo ragga hadda jooga dhammaantood xilka laga qaadi doonno.

Madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkii ugu dambeysay dardar ku wada howlaha kala bedalka ee dowladda dhexe, wuxuuna meesha ka saarayaa dhammaan raggii horey u shaqeynayey.

error: Content is protected !!