XOG:- Sirta ka dambeysa qaraxyada maalmahaan ka dhacaayay magaalada Muqdisho

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay in dalka uu galay xaalad dagaal, waxaa soo badanaayay qaraxyada lala eeganaayo xarumaha ciidamada iyo sidoo kale goobaha muhiimka ah.

Xog ay heshay warbaahinta Bulshoweyn ayaa caddeyneysa in tani ay qeyb ka tahay xaaladdii uu madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay.

Mar haddii dalka xaalad dagaal la geliyey, waxay Al-shabaab dhankooda go’aan ku gaareen iney xoojiyaan qaraxyada ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

48-saac gudahooda waxay Al-shabaab qaraxyo ku dileen in ka badan 30 ruux oo ay ku badan yihiin ciidamada waliba saraakiil xilal muhiim ah haayay.

Uljeedka ciidanka xoogga dalka loo weerarayo ayaa ah in la naafeeyo, si aysan guul uga gaarin dagaalada ay doonayaan inay la galaan Al-shabaab.

Shacabka Muqdisho qaraxyadaan aad iyo aad bay uga argagaxeen, waloow ay filayeen in Al-shabaab wax un sameyn doonto hadalkii Farmaajo kadib.

error: Content is protected !!