Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo maanta u dabaal-degaya maalintooda

Maanta waxay ku beegan tahay maalinta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed la aas aasay sanadkii 1960, waxaana dabaaldeg sameynaya ciidamada.

Munaasabad lagu maamuusayo maalintaan ayaa waxay ka dhacaysaa guud ahaan dalka, magaalada Muqdishana waxaa lagu qabanayaa xarunta wasaaradda gaashaandhigga.

Ciidamada ayaa u dabaal-degaya 57-sano guuradii kasoo wareegtay markii la aas aasay, waxayna soo bandhigi doonan gaado ka ciyaar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo munaasabadda maalintaan, iyadoo salaam sharaf uu ka qaadan doonno cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Ammaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la arkayaa ciidamada militeriga oo meel walbo taagan.

error: Content is protected !!