Ciidanka AMISOM oo maanta si sharaf darro ula dhaqmay wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya

Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Drs. Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta is-hortaag lagu sameeyay xilli ay rabtay inay gasho garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Drs. Maryan Qaasim Axmed oo garoonka Aadan Cadde shir kula ballansaneyd madaxda xafiiska Midowga Yurub ee arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa u diiday inay garoonka gudaha u gasho ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ee illaalada ka haayay albaabka Madina Gate.

Wasiirada oo xilligaasi la socotay haweeney kale ayaa si weyn u dhaliishay hab dhaqanka ciidanka AMISOM ee ku sugan madiina Gate, waxayna barteeda Twitterka ku sheegtay ixtiraam daradda ay ciidankaasi kula dhaqmeen.

“Waxaan ku shaqeynaa xaalad adag gudaha Soomaaliya, balse marnaba wax cudurdaar ah malaha hab-dhaqanka aan maanta ku arkay askarta AMISOM” Sidaas waxaa barteeda Twitterka ku tiri Drs. Maryan Qaasim Axmed

Dhinaca kale, Drs. Maryan Qaasim ayaa qoraalkeeda labaad ee Twitterka ku tiri;

“Dabeecadda ay askarta AMISOM ee ku sugan albaabka Madina Gate, nagula dhaqmeen aniga iyo mid ka mid ah shaqaalahayga oo haweeney ahayd, ma ahan mid la aqbali karo” Ayay hadalkeeda raacisay Drs. Maryan Qaasim Axmed.

Dhinaca kale, ma jiro hadal raali gelin ah oo ay taliska AMISOM ka bixiyeen hab-dhaqanka ay ciidankooda maanta kula kaceen wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Drs. Maryan Qaasim Axmed.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horreysay oo ay ciidanka AMISOM si xun ula dhaqmaan mas’uul ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, iyagoona dhowr jeer hore is-hortaag ku sameeyay mas’uuliyiin xilal kala duwan ka haayay dowladda Soomaaliya.

error: Content is protected !!