Ciidanka NISA ee Galmudug oo si xoog ah kusoo furtay shaqaale ajaanib ah oo afduub loo heystay

Ciidanka Nabad-Sugidda NISA ee maamulka Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay 8 qof oo u dhashay dalka Hindiya, kuwaas oo dhawaan u gacan galay burcad badeedda Soomaalida ah.

Ciidamada Galmudug ee NISA ayaa howlgal ay sameeyeen, waxay kusoo qabteen 8 qof oo ka mid ahaa 11 qof oo dhawaan burcad badeedda ay ku qabsadeen xeebaha Soomaaliya, iyadoo 3 ka mid ah horay looga soo furtay.

Sidoo kale, ciidanka Nabad-Sugidda NISA ee maamulka Galmudug ayaa xiray 4 ka mid ah kooxaha burcad badeedda ee heysatay shaqaalaha Hindida ah oo ay dhawaan ka qabteen meel u dhow biyaha Soomaaliya kana tirsan gacanka Cadmeed.

Dhinaca kale, guddoomiyaha degmada Hobyo C/laahi Axmed Cali ayaa sheegay in ciidamada Nabad-Suggida ee NISA ay u suuro-gashay inay soo furtaan 8 shaqaale oo u dhashay dalka Hindiya oo ay kooxaha burcad badeedda afduubatay.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 4 nin oo ka mid ah burcad badeeda Soomaalida ee shaqaalahaasi afduubka ku haystay.

“8 nin oo u dhashay dalka Hindiya ayaan deegaanka Caadley kasoo furannay, iyagoo ammaan ah ayaana haatan gacanta ku haynaa, 4 nin oo burcadda ka tirsana waan soo qabanay.” Sidaasi waxaa yiri guddoomiyaha degmada Hobyo C/laahi Axmed Cali.

Si kastaba ha ahaatee, dhamaan shaqaalahaasi Hindida ah oo ay soo furteen ciidanka Nabad-Sugidda maamulka Galmudug ayaa la filayaa in dhawaan lagu wareejiyo wakiillo ka socda dalka ay kasoo jeedaan ee ah Hindiya.

error: Content is protected !!