DF Soomaaliya oo maanta shacabka Muqdisho ka xirtay waddooyinka

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xirtay dhammaan waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo soo dhigtay ciidamo militeri ah.

Waxaa maanta la arkayaa shacabka badan oo cagtooda maalaya, waxaana waddooyinka loo diidayaa dhammaan gaadiidka dadweynaha.

Ciidamada ayaa u sheegaya gadiidka in maanta aanay socon karin, islamarkaana wadada la xiray.

Sababta waddooyinka loo xiray ayaa ah munaasabadda maalinta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, maadaama uu ka qeyb-galayo madaxweynaha.

Arday iyo shaqaale badan ayaan maanta tagin xarumahooda shaqo iyo waxbarasho, iyadoo shacabka ay ka daaleen waddooyinka laga xiro.

error: Content is protected !!