Madaxweyne Farmaajo oo shaaca ka qaaday qorshaha Al-shabaab looga saarayo dalka (DHAGEYSO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday qorshaha rasmiga ah ee uu doonayo inuu dalka uga xureeyo kooxda Al-shabaab.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabadii xuska maalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka dhacday xarunta wasaaradda gaashaandhiga ayaa sheegay in qaabkii Muqdisho looga xureeyay Al-shabaab sanadkii 2011-ka ay ka fullin doonaan dalka oo dhan.

Sidoo kale,¬†madaxweyne Farmaajo ayaa soo hadal qaaday saraakiishii lasoo shaqeeysay xilligii uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa dalka ee sanadkii 2011-ka, wuxuuna tilmaamay in qaarkood ay weli garab taagan yihiin islamarkaana ay weli ka mid yihiin saraakiisha dalka.

Saraakiishaasi uu madaxweyne Farmaajo soo hadal qaaday ayaa waxaa ka mid ahaa Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad “Indhacadde”, Jeneraal Maxamed Maxamuud Saney, Jeneraal C/laahi Cali Caanood, Jeneraal Maxamuud Maxamed Khaafow, Jeneraal C/laahi Cismaan Cagey, Jeneraal Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duule), C/laahi Macalin Nuur iyo sarkaal ka tirsan AMISOM oo howlgalkii xilligaas ka qeyb qaatay.

“Xilligii aan ra’iisul wasaaraha dalka ka ahaa waxaan inoo suuro gashay in muddo 6 bilood gudaheed ah magaalada Muqdisho oo dhan aan uga saarno kooxaha nabad-diidka ah ee Al-shabaab, waxaa haatan i garab taagan saraakiishii xilligaasi igala shaqeeysay, sababtii iyo qaabkii aan Muqdisho uga saarnay Al-shabaab ayaa u istimcaali doonnaa qeybaha kale ee dalka” Sidaasi waxaa yiri madaxweyne Farmajo

Ugu dambeyntii, madaxweyne Farmaajo ayaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya u ballan ku qaaday inay si joogto ah u heli doonaan mushaarkooda, wuxuuna ciidankaasi ku booriyay inay sii labo jibaaraan dadaalka iyo difaacidda dalkooda, si dalka looga xureeyo Al-shabaab.

error: Content is protected !!