Ra’iisul wasaare Kheyre oo hambalyo u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed (AKHRISO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ugu hanbalyeeyey munaasibadda sanadguurada 57aad ee maalintii la asaasay ciidanka xoogga ee 12-kii April, sannadkii 1960-kii.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay yihiin dhidibada uu ku taagan yahay Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay taariikh weyn ku leeyihiin dalkeenna.

“Waxaan halkaan hambalyo ballaaran uga dirayaa saraakiisha, saraakiil-xigeenka, dableyda iyo qoysaska ciidanka xoogga, waxaan ugu hambalyeynayaa munaasibada 12-ka April, waxaan ciidankeenna geesiyaasha ah u rajaynayaa horumar iyo inay ku guuleystaan hawlaha iyo waajibaadka qaran ee loo igmaday” Ayuu yiri ra’iisul wasaare Kheyre

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sidoo kale ku amaanay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya dadaalka naf-hurnimada ah ee ay u samaynayaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka hooyo, isla markaana loo cirib-tiri lahaa kooxaha sharka iyo argagaxisada ee caqabadda ku ah nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Waxa uu ra’iisul wasaare Kheyre ballanqaaday in xukuumaddiisu ay xil weyn iska saari doonto daryeelka iyo xuquuqda ciidamada si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.

“Ciidanku xooggu waa astaan qaran iyo tiirarka adag ee uu ku taagan yahay dalkeennu, dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya waxay leedahay muhiimad gaar ah, runtii, dal aan ciidan xooggan lahayn ma dhismi karo, mana horumari karo, xukuumadaydu wax dadaal ah lama hari doonto si loo helo daryeel iyo xuquuq joogto ah oo ay yeeshaan ciidankeennu”. Ayuu hadalkiisa raaciyay ra’iisul wasaare Kheyre

Ugu danbayntii, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya inay labo jibaaraan dadaalada lagu xaqiijinayo ammaanka dalka, islamarkaana meesha looga saarayo kooxaha nabadda diidan.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

error: Content is protected !!